
Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jaamac, ayaa caawa casho sharaf mahadcelin ah u sameeyay dhalinyaradii ka qeyb qaadatay ololihii doorashadiisa, kaas oo ugu dambeyn uu ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Munaasabadda cashada oo ahayd mid ay ka muuqatay mahadcelin iyo is-xogwareysi, ayaa Guddoomiye Jaamac uu dhalinyarada uga mahadceliyay dadaalkii iyo garab istaaggii ay la garab istaageen intii lagu guda jiray ololihii doorashada.
Guddoomiyaha ayaa xusay in taageerada dhalinyaradu ay ahayd mid muhiim ah, isagoo ku bogaadiyay doorkooda iyo dadaalkii ay geliyeen guusha doorashadiisa.
Dhalinyaradii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin guusha Guddoomiye Jaamac, iyagoo sheegay inay sii wadi doonaan taageerada iyo la shaqeynta hoggaanka cusub.
Cashadan ayaa sidoo kale loo arkayay fursad lagu xoojinayo xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhalinyaradii door weyn ka qaadatay ololihii doorashada.
Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi is-xogwareysi, mahadcelin iyo bogaadin ah.
Warsan Radio – Codka shacabka
