Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay xubnaha Ururka Türkiye Alumni, oo ay ku mideysan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay dalka Türkiye.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ururka, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay kaalinta ay aqoonyahannada dalka wax ku soo bartay dibadda ka qaadan karaan horumarinta Soomaaliya.
Hambalyo loo jeediyey Guddoomiyaha Golaha ShacabkaXubnaha Ururka Türkiye Alumni ayaa Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ugu hambalyeeyey doorashadiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyagoo u rajeeyey inuu Alle SWT u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.
Waxay sidoo kale u rajeeyeen Guddoomiyaha inuu ku guuleysto hoggaaminta Golaha Shacabka, isla markaana si hufan uga soo baxo waajibaadka qaran ee horyaalla.
Guddoomiye Jaamac oo bogaadiyey doorka AlumniDhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey xubnaha Ururka Türkiye Alumni hambalyada iyo taageerada ay u muujiyeen.
Guddoomiyuhu wuxuu bogaadiyey dadaallada ay xubnaha ururku ku bixinayaan horumarinta aqoontooda, is-dhexgalka iyo kobcinta iskaashiga ay leeyihiin, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in aqoonta iyo waayo-aragnimada dibadda lagu soo bartay loogu adeego horumarka dalka.
“Aqoonta aad soo kororsateen ugu adeegga dalka”Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xubnaha Alumni kula dardaarmay in ay aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo xirfadaha ay kasoo kororsadeen dalka Türkiye uga faa’iideeyaan dib-u-dhiska Soomaaliya, horumarinta hay’adaha dowliga ah iyo kobcinta adeegyada bulshada.
Wuxuu tilmaamay in aqoonyahannada Soomaaliyeed ee wax ku soo bartay dalalka dibadda ay leeyihiin door muhiim ah oo ku aaddan dhismaha hay’adaha qaranka iyo horumarinta dalka, gaar ahaan xilligan ay Soomaaliya ku jirto dadaallo ku aaddan dib-u-dhis iyo horumar ballaaran.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-dhaafsi aragtiyo iyo dhiirrigelin ku saabsan sidii aqoonta, khibradda iyo xiriirrada ay leeyihiin xubnaha Türkiye Alumni loogu beddeli lahaa waxqabad muuqda oo bulshada iyo qaranka Soomaaliyeed anfaca.






