Baydhabo, 14 Agoosto 2026 — Odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo haweenka Beesha Waraasile ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku muujinayaan in aysan weli ku qanacsanayn habka loo maareeyay dhismaha Golaha Wasiirrada cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in beeshu ay si rasmi ah uga soo horjeeddo hannaanka awood-qaybsiga siyaasadeed ee saldhiggiisu yahay wadajirka, caddaaladda iyo is-qancinta beelaha Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay in xuquuqda siyaasadeed ee Beesha Waraasile iyo kaalintooda nidaamka awood-qaybsiga aan si ku filan loo tixgelin.
Beesha ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka xun tahay in hannaan wada-tashi oo waafaqsan dhaqanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed aan loo marin dhismaha Golaha Wasiirrada, iyadoo ku baaqday in cabashadooda loo qaato arrin siyaasadeed oo u baahan in si dhab ah looga jawaabo.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in hoggaanka Dowladda Koonfur Galbeed uu leeyahay mas’uuliyadda ilaalinta midnimada, nabadda iyo wadajirka bulshada, balse ay beeshu aaminsan tahay in haddii aan dib loo saxin nidaamka awood-qaybsiga ay keeni karto niyad-jab iyo in Beesha Waraasile laga duudsiyo saamigii siyaasadeed ee ay ku lahayd Golaha Wasiirrada.
Beesha oo xustay dhacdooyin hore
Beesha Waraasile waxay sidoo kale xustay in ay hore uga dhacday magaalada Baydhabo dhacdo ay ku tilmaameen in hoggaanka beesha loo sheegay in ay meel uga soo baxaan, iyadoo aan la siin fursad ku filan oo ay ku cabbiraan aragtidooda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, arrintaasi waxay sababtay inay dareemaan in aan si wanaagsan loo tixgelin kaalintooda siyaasadeed iyo tan bulshada.
Baaq loo diray hoggaanka Koonfur Galbeed
Beesha ayaa ugu baaqday Hoggaanka Dowladda Koonfur Galbeed, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan daneeyayaasha arrimaha siyaasadda Koonfur Galbeed inay si degdeg ah uga shaqeeyaan sidii loo sixi lahaa waxa ay ku tilmaameen khaladaadka ka jira nidaamka awood-qaybsiga.
Waxay sidoo kale si gaar ah ugu baaqeen hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, in uu tixgeliyo xuquuqda iyo saamiga siyaasadeed ee beeshu sheeganayso.
War-saxaafadeedka waxaa ugu dambeyn lagu sheegay in Beesha Waraasile ay diyaar u tahay wadahadal iyo xal siyaasadeed, balse ay ka digayso in haddii cabashadeeda aan wax laga qaban ay saameyn ku yeelan karto caddaaladda, nabadda, wadajirka iyo jiritaanka Dowladda Koonfur Galbeed.
Hoos akhriso war saxaafadeedka

Warsan Radio – Codka shacabka.
