Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo, ayaa maanta gargaar bani’aadanimo iyo daawooyin gaarsiiyey dadka danyarta ah ee ku nool xeryaha barakacayaasha ee bariga magaalada Baydhabo.
Gargaarka ayaa loogu talagalay qoysaska nugul ee ku nool xeryaha barakacayaasha, kuwaas oo wajahaya duruufo nololeed oo adag iyo baahiyo dhinacyada caafimaadka iyo nolosha aasaasiga ah.
Ciidamada ayaa dadka ku nool xeryaha u qeybiyey agab gargaar iyo daawooyin, iyadoo sidoo kale la sameeyey dadaallo lagu taageerayo dadka u baahan adeegyada caafimaad.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya ciidamada iyo bulshada, iyadoo Ciidamada Gorgor ay horey gargaar bani’aadanimo uga geeyeen deegaanno ka tirsan Soomaaliya.
Bishii Abriil 2026, ciidamo ka tirsan Gorgor ayaa gargaar raashin, biyo iyo adeegyo caafimaad gaarsiiyey shacabka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Baay.
Dadka barakacayaasha ah ee ku nool Baydhabo ayaa muddo dheer wajahaya baahiyo kala duwan, waxaana gargaarka noocan ah uu muhiim u yahay qoysaska aan awoodin inay si buuxda u daboolaan baahidooda nololeed iyo caafimaad.
Gurmadka maanta ay sameeyeen Ciidamada Gorgor ayaa sidoo kale muujinaya in doorka ciidamada uusan ku koobnayn oo keliya sugidda amniga, balse ay qayb ka noqon karaan garab istaagga shacabka iyo taageerada dadka dhibaateysan.
Bulshada ku nool xeryaha ayaa si weyn u soo dhaweeyey gargaarka, iyagoo Ciidamada Gorgor uga mahadceliyey taageerada iyo daryeelka ay u fidiyeen qoysaska danyarta ah.





