Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Bihi Iimaan Cige, ayaa kulan is-xogwaraysi ah la yeeshay Wakiilka Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP, iyo sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha horumarineed ee labada dhinac ay wadaagaan.
Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay Qaab-dhismeedka Maalgelinta Horumar waara (INFF) iyo hindisayaal kale oo istaraatiiji ah oo lagu taageerayo horumarka dhaqaale iyo maaliyadeed ee Soomaaliya.
Wasiirka Bihi Egeh iyo Wakiilka UNDP ayaa sidoo kale isla eegay fursadaha lagu sii xoojin karo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta, si loo gaaro mudnaanta qaranka ee dhinacyada dhaqaalaha, maaliyadda iyo horumarinta waarta.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo la doonayo in taageerada horumarineed loo waafajiyo qorshayaasha iyo mudnaanta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya.


