
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khatarta Musiibooyinka Soomaaliya.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka iyo walaaca laga qabo fatahaado xooggan, iyadoo la filayo in roobabka Deyr ay ka da’aan qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga faray in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, diyaar-garowga iyo jawaabta degdegga ah, iyo isku-duwidda dadaallada gurmadka si loo yareeyo saameynta ay abaaraha iyo fatahaaduhu ku yeelan karaan shacabka.
Sidoo kale, waxaa la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la abaabulo deeq-bixiyeyaasha, ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka, si loo kordhiyo taageerada la gaarsiinayo bulshada ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo awoodda dalka ee ka hortagga, diyaar-garowga iyo wax-ka-qabashada musiibooyinka, gaar ahaan xilliyada roobabka iyo abaaraha ba’an.
Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo caqabado is-daba-joog ah oo ka dhasha isbeddelka cimilada, kuwaas oo mararka qaar sababa abaaro daba-dheeraada iyo fatahaado saameeya nolosha iyo nolol-maalmeedka bulshada.
