Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magacaabay Guddoomiye Ku-xigeennada Gobolka Baay ee qaabilsan Qorshaynta, Nuunow Aadan Fargeeti iyo kan Arrimaha Bulshada Amiin Maxamed Faarax.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamulka Gobolka Baay iyo tayeynta howlaha dowladda, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta horumarineed iyo adeegyada bulshada.
Guddoomiye Ku-xigeenka Qorshaynta ayaa diiradda saari doona isku-dubbaridka qorshayaasha horumarinta gobolka, halka Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada uu door muhiim ah ka qaadan doono arrimaha bulshada, adeegyada aasaasiga ah iyo isku-xirka bulshada iyo maamulka.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa magacaabistan ku muujinaya muhiimadda ay dowladdu siinayso in hay’adaha maamulka gobollada loo dhiso qaab hufan oo awood u leh inay si wanaagsan uga jawaabaan baahiyaha bulshada.
Magacaabista labada mas’uul ayaa sidoo kale la filayaa inay gacan ka geysato dardargelinta howlaha maamulka Gobolka Baay iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee ka socda gobolka.


Warsan Radio — Codka Shacabka
