Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Qatar, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Qatar.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta arrimaha bulshada.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Doha, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee Dowladda Qatar, iyadoo laga wada hadli doono arrimo khuseeya xiriirka labada dal iyo sidii loo sii ballaarin lahaa iskaashiga labada dhinac.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Qatar uu xoogeysanayo. Dowladda Qatar ayaa sidoo kale dhawaan wafdi sare u dirtay Muqdisho, kaas oo wadahadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ajandayaasha ay ka mid ahaayeen maalgashiga wax-soo-saarka cuntada iyo caafimaadka.
Sidoo kale, labada dowladood ayaa bilihii u dambeeyay muujiyay dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, amniga iyo arrimaha bani’aadantinimada.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo la raadinayo fursado cusub oo ku saabsan maalgashi, horumar dhaqaale iyo taageerada adeegyada bulshada.
Qatar iyo Soomaaliya ayaa muddo dheer lahaa xiriir diblomaasiyadeed oo dhow, waxaana booqashadan la filayaa inay sii xoojiso xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada istiraatiijiga ah.

