Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa kulan ku yeeshay xarunta Guddiga, iyadoo looga hadlay dardargelinta howlaha mudnaanta u leh hay’adda iyo xoojinta doorkeeda ku aaddan ilaalinta, horumarinta iyo la socodka xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
Kulanka oo ay shir-guddoomisay Guddoomiyaha GMXIQ, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa xubnaha Guddigu si qoto dheer uga arrinsadeen xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha dalka iyo sidii loo xoojin lahaa kaalinta Guddiga ee ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray helitaanka caddaaladda, ilaalinta dadka nugul, dabagalka cabashooyinka shacabka, iyo la socodka dhacdooyinka la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
Guddoomiye Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa carrabka ku adkaysay in Guddigu si wadajir ah, madax-bannaan iyo hufnaan leh u guto waajibaadkiisa qaran.
Waxay sheegtay in hadafka Guddigu yahay in la dhiso hay’ad ay shacabka Soomaaliyeed ku kalsoonaan karaan, isla markaana si madax-bannaan uga shaqaysa ilaalinta xuquuqda aadanaha.
> “Waxaa naga go’an inaan dhisno Guddi ay shacabka Soomaaliyeed ku kalsoonaan karaan, oo cod u noqda cid kasta, si madax-bannaan ula socda xaaladda xuquuqda aadanaha.”
Kulanka ayaa sidoo kale lagu eegay howlihii Guddiga u qabsoomay, halka ay marayaan qorshayaasha shaqo iyo hawlaha la qorsheeyay in la fuliyo muddada soo socota.
Xubnaha Guddiga ayaa isla markaana ka hadlay dardargelinta howlaha mudnaanta leh, dhammaystirka hannaan-hawleedka iyo xeerarka gudaha ee Guddiga, iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adda iyo dowladda, bulshada rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ah.
Gabagabadii, xubnaha Guddigu waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola socdo xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka, lana qaado tallaabooyin ku habboon marka ay soo baxaan arrimo u baahan faragelin iyo dareen gaar ah.
Guddigu wuxuu sidoo kale adkeeyay in hawlihiisa lagu saleeyo madax-bannaani, dhexdhexaadnimo, hufnaan iyo ilaalinta kalsoonida shacabka, si loo xoojiyo doorka hay’adda ee difaaca iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya.











