
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dooxa kulan muhiim ah kula yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani, iyadoo uu dalka Qatar ku joogo booqasho rasmi ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, horumarrada la sameeyay sannadihii u dambeeyay iyo dadaallada dowladda ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka, gaar ahaan amniga, nabadda iyo sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen xal u helidda caqabadaha saameeya nabadda, xasilloonida iyo habsami-u-socodka ganacsiga caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al Taani, ayaa dhankiisa soo dhaweeyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda uu leeyahay xiriirka labada dal oo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam iyo wax-wada-qabsi.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dowladda iyo shacabka Qatar uga mahadceliyay taageerada ay u muujiyeen Soomaaliya iyo garab istaaggooda madax-bannaanida, midnimada iyo qarannimada dalka.
Labada dhinac ayaa isla markaana adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, horumarinta iyo arrimaha diblomaasiyadda.







