
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgallo milatari oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka lagu dilay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kuwa qaabilsanaa sirdoonka, qaraxyada iyo hoggaaminta maleeshiyaadka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim, ayaa sheegay in mid ka mid ah hawlgalladii ugu dambeeyay lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Xirsi, oo loo yaqaannay Ikhlaas, kaas oo dowladda ku sheegtay inuu ahaa madaxa guud ee sirdoonka Al-Shabaab.
Wasiirku wuxuu sheegay in Ikhlaas lagu dilay 23-kii Agoosto hawlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo ay iska kaashadeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka.
Sida uu sheegay wasiirku, Ikhlaas wuxuu ahaa 46 jir ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2006. Intii uu kooxda ka tirsanaa ayuu soo qabtay xilal kala duwan oo dhinaca sirdoonka ah, isagoo muddo dheer hoggaaminayay qaybta sirdoonka ee kooxda.
Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in Ikhlaas uu door weyn ku lahaa xog-ururinta, qorsheynta iyo isku-xirka hawlgallada Al-Shabaab, isagoo intii uu maamulayay xabsiyada kooxda lagu eedeeyay inay halkaasi ka dhaceen tacaddiyo iyo ciqaab loo geystay dad rayid ah oo kooxda u xirnaa.
Dowladdu waxay sheegtay in dilka Ikhlaas uu dhabar-jab ku yahay awoodda sirdoon iyo hoggaanka Al-Shabaab, maadaama uu muddo ka badan toban sano ku jiray hoggaanka qaybta sirdoonka ee kooxda.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale soo bandhigay magacyada dhowr horjooge oo dowladda sheegtay in lagu dilay hawlgalladii shantii bilood ee lasoo dhaafay.
Kuwaas waxaa ka mid ahaa Saacid Xuriya, oo Al-Shabaab u qaabilsanaa baadda bariga gobolka Hiiraan, iyo Hamza Bakool iyo Cismaan, kuwaas oo lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Taradho ee Hiiraan.
Sidoo kale, dowladda waxay sheegtay in Cabdihafid, oo ka tirsanaa qaybta qaraxyada ee Al-Shabaab, lagu dilay 25-kii Agoosto hawlgal ka dhacay degmada Maxaas. Waxaa isla hawlgalkaas lagu dilay Taliimaan, oo lagu sheegay inuu qaabilsanaa gurmadka kooxda ee gobolka Hiiraan, iyo Cumar Xuseen, oo ka tirsanaa qaybta ay Al-Shabaab ugu yeerto Jabhadaha.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in Mustafa Cato, oo ay ku tilmaantay madaxa guud ee qaybta Jabhadaha ee Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, dhaawac culus lagu gaarsiiyay hawlgalka Maxaas.
Horjoogayaal kale oo lagu dilay hawlgallada waxaa ka mid ahaa Axmed Cali Jamaale, oo dowladda sheegtay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Jowhar, kaas oo lagu dilay hawlgal ka dhacay War-Ciise ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxaa sidoo kale lagu dilay isla hawlgalkaas Geedi Maxamed Nuur Cadde, oo dowladda ku sheegtay horjooge ka howlgali jiray deegaannada Dumaay iyo Dabagaalo.
Axmed Eebka Caalim, oo loo yaqaannay “Dhaqare”, ayaa isna lagu dilay hawlgal ka dhacay duleedka deegaanka Basra 4-tii Luulyo. Dowladda ayaa sheegtay inuu ahaa masuulka fulinta weerarrada loo adeegsado hoobiyeyaasha 107mm.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ay weli hawlgallo ka wadaan deegaannada ku dhow jiinka wabiga ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu baacsanayo xubnaha ka haray Al-Shabaab.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in hawlgallada socda lagu dilay ugu yaraan toban xubnood oo ka tirsan kooxda.
