
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee maamulka, kaddib go’aan uu Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed kasoo saaray xaaladda gobolka.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Ibraahim Maxamed Nuur (Kalaay), ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay inuu walaalkiis, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ku eedeeyay inuu qaatay go’aan siyaasadeed oo horseeday inuu heshiis la galo kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa yiri: “Walaalkey Madaxweynihii hore ee KGS Laftagareen waxa uu go’aan ku gaaray in gadaashiisa KGS aysan jirin, si taasi u dhacdana waxa uu heshiis la galay AS.”
Hadalka Guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan dhinacyada siyaasadda Koonfur Galbeed, iyadoo Baydhabo ay tahay xarunta ugu weyn ee maamulka.
Guddoomiyaha Gobalka Bakool oo taageeray qaraarka Golaha Wasiirrada

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa si buuxda u taageeray qaraarka kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo lagu qabtay magaalada Xuddur, 30-kii Agoosto 2026, shir-guddoonkana uu lahaa Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Qaraarka Golaha Wasiirrada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed, waxaana lagu sheegay in Laftagareen iyo maleeshiyaadka loo aaneynayo inay ka amar qaataan loo aqoonsaday koox argagixiso ah.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa sheegay in maamulka gobolka uu garab taagan yahay go’aanka Golaha Wasiirrada, isagoo xusay in taageerada qaraarkaasi ay gaari doonto dhammaan degmooyinka gobolka Bakool.
Saameynta siyaasadeed
Hadalladan ayaa muujinaya kala qaybsanaan siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa gudaha Koonfur Galbeed, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ay si cad u taageerayaan hoggaanka hadda jira iyo go’aannada kasoo baxaya, halka dhinacyada kale ee siyaasadda ay si adag uga soo horjeedaan.
Xaaladda ayaa sidoo kale ku soo aadeysa xilli doodda ku saabsan amniga, maamulka Koonfur Galbeed iyo xiriirka dhinacyada siyaasadeed ay meel sare ka gaartay, taasoo laga cabsi qabo inay saameyn ku yeelato xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee deegaannada maamulka.
waxaa isa soo taraya masuuliyiinta sida diiran usoo dhaweeyay go’aanki golaha wasiirada gaareen kaas oo ay u aqoonsadeen madaxweynihii hore koonfur galbeed uu yahay hogaamiye katirsan shabaab iyo ciidankiisa ay wada shaqeeyaan kooxaha argagaxisada alshabaab.

