Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa si rasmi ah u taageeray qaraarkii shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa difaaca, amniga iyo ilaalinta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Maamulka Afgooye ayaa sheegay in qaraarka Golaha Wasiirradu uu yahay mid muhiim u ah xoojinta amniga iyo wadajirka bulshada, gaar ahaan xilli ay jiraan caqabado amni oo saameynaya deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed.
Taageerada Maamulka Afgooye ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay sii xoogeysanayaan mowqifyada maamullada degmooyinka iyo gobollada Koonfur Galbeed ee ku aaddan qaraarka Golaha Wasiirrada, kaas oo xoogga saaraya in la ilaaliyo ammaanka, xasilloonida iyo difaaca deegaanada KGS.
Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada bulshada iyo kuwa hay’adaha amniga, si looga hortago khataraha amni iyo wax kasta oo wax u dhimaya xasilloonida deegaanka.
Qaraarkan ayaa dhaliyay hadallo iyo taageero kala duwan oo ka imaanaya mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada ee Koonfur Galbeed, iyadoo Afgooye ay noqotay degmada kamid ah meelaha si cad u muujiyay taageerada ay u hayaan go’aanka Golaha Wasiirrada.
https://x.com/Warsannews/status/2094478844971598124
Warsan Radio – Baydhabo.

