Kigali, Rwanda – Kubadda cagta Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo cusub oo taariikhi ah, iyadoo markii ugu horreysay laba xul oo Wiilal iyo Gabdho ah oo da’doodu ka yar tahay 15 jir ay dalka ku matalayaan tartanka African Schools Football Championship, kaas oo berri ka furmaya magaalada Kigali ee dalka Rwanda.
Labada xul ee Soomaaliya ayaa tartankan uga qaybgalaya fursad muhiim ah oo ay ciyaartoyda da’yarta ahi ku heli karaan khibrad heer caalami ah, isla markaana ay kula tartami karaan dhiggooda ka socda dalal kala duwan oo Afrika ah.
Ka-qaybgalka xulalkan ayaa sidoo kale fursad u ah da’yarta Soomaaliyeed inay soo bandhigaan kartidooda iyo xirfadahooda ciyaareed, iyadoo tartanka loo arko mid muhiim u ah horumarinta iyo kobcinta jiilka cusub ee ciyaartoyda Soomaaliyeed.
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa sheegay in ka-qaybgalka Soomaaliya uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kubadda cagta dalka, gaar ahaan kobcinta ciyaartoyda da’yarta ah iyo abuurista fursado ay mustaqbalka ugu gudbi karaan heerarka sare.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa mudnaan siinaya horumarinta ciyaartoyda da’yarta ah iyo sidii loo heli lahaa jiil cusub oo mustaqbalka matala xulalka qaranka Soomaaliya.
Tartanka African Schools Football Championship ayaa sidoo kale labada xul siinaya fursad ay ku helaan is-dhexgal ciyaareed iyo khibrad caalami ah, iyagoo la kulmaya da’yarta ka socota dalalka kale ee qaaradda Afrika.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ayaa loo arkaa bilow muhiim ah oo lagu xoojinayo joogitaanka dalka ee tartamada kubadda cagta Afrika, iyadoo rajada ugu weyn ay tahay in ciyaartoydan da’yarta ah ay mustaqbalka noqdaan xiddigo ka tirsan xulka qaranka Soomaaliya.


