Hay’adda GREDO Soomaaliya ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku taageertay 100 beeraley ah oo ka tirsan beeraleyda yar-yar, iyadoo la gaarsiiyay xirmooyin agab beerasho dabiici ah oo qayb ka ah barnaamijka Smart Somali Farming Initiative.
Xirmooyinka la gaarsiiyay beeraleyda ayaa waxaa ku jiray abuur tayo leh oo u adkeysan kara abaarta, kuwaas oo isugu jira galley, sisin, digir, masaggo, green gram, laws iyo khudaar kala duwan.
Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya kala-duwanaanshaha dalagyada, xoojinta sugnaanta cuntada iyo kordhinta adkeysiga qoysaska beeraleyda ah ee la tacaalaya saameynta isbeddelka cimilada.
Mashruuca waxaa laga hirgelinayaa gudaha Soomaaliya iyada oo loo marayo Somali Nexus, iyadoo maalgelintiisa ay taageerayaan Tadamon Accelerator for Food Security, oo ay ka qayb qaadanayaan UNDP, Islamic Development Bank (IsDB) iyo Islamic Solidarity Fund for Development (ISFD), halka #IMS ay bixisay maalgelin wadaag ah.
Taageeradan ayaa la filayaa inay ka caawiso beeraleyda Afgooye inay kordhiyaan wax-soo-saarka beeraha, helaan dalagyo kala duwan oo u adkeysan kara abaarta, isla markaana sare u qaadaan awoodda qoysaskooda ee la tacaalidda caqabadaha dhanka cuntada iyo cimilada.




