
Magaalada Baydhabo waxaa saaka ka dhacay dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah, iyo maleeshiyaad uu taageero laftagareen la sheegay inay weerar ku soo qaadeen magaalada.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay Wadada Al-Amxaar iyo Al-Ahli, iyadoo sidoo kale rasaas xooggan iyo hoobiyaal laga maqlayay saakii hore deegaannada Ceel Cabdi Shirey iyo deeganka Cunaay.
Dhawaqa hubka fudud iyo kuwa culus ayaa laga maqlayay gudaha magaalada iyo xerooyinka ku yaalla duleedka mgaaalada Baydhabo.
Wararka goobta laga helayo ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Laftagareen ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, oo ay ka mid yihiin Towfiiq, Bukriyey iyo Baalyaale.
Sidoo kale, ilo goobjoogayaal ah ayaa warsan radio u sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay ama ay ku sugan yihiin xerooyin ku yaalla Maaya-Fulka iyo Baalyaale ayagoo sita calanka alshabaab, Xogtaa weli si madax-bannaan looma xaqiijin.
Dagaalka ugu xoogan iyo qaraxyada xoogoodu waxay ku badnaayeen aaga Buulo Jadiid Towfiiq, Bukriyey, Baalyaale. Xog kale oo ka timid goobta ayaa sheegaysa in gaari Homey ah uu dhanka deegaanka Ceel Cabdi Shirey kasoo galay, iyadoo laga shakiyay inuu sido waxyaabaha qarxa uu halkaa kugalay. xaafadaha Al-Amxaar iyo Al-Ahli, deegaannada Ceel Cabdi Shirey iyo deeganka Cunaay laga soo wariyay in halkaas rasaas xoogan la isu weedaarsaday halkaa rasaas cabsi ku beertay dadka deegaanka.
Xaafadda Buulo Jadiid ayaa ka mid ahayd goobihii uu dagaalku sida xooggan uga dhacay. Rasaas culus ayaa halkaasi socotay muddo ku dhow saacad, iyadoo markii dambe la sheegay in xabaddii istaagtay, goobtiina ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Waxaa sidoo kale la soo sheegay in guri ku yaalla Buulo Jadiid uu laba jeer ku dhacay qori Baasuuke ah, taasoo dhalisay dab kakacay guriga halkaas uu basbeelay, iyadoo la sheegay in carruur ay ku jireen guriga xilligaas.
Warar kale ayaa sheegaya in ilmo yar oo ay haleeshay rasaas wiifto ah loo qaaday isbitaal si loogu dabiibo.
Hoobiyeyaal iyo hub cul culus laga riday duleedka Baydhabo
Dagaalku kuma eka gudaha magaalada oo keliya.
Ciidamada ku sugan xeryaha duleedka Baydhabo ayaa iyaguna galay iska horimaadyo culus.
Ciidamada Gorgor ee ku sugan Xerada Xasey ayaa la sheegay inay bilaabeen inay hoobiyeyaal ku garaacaan goobo lagu tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin dagaalyahanno Al-Shabaab ah oo ku dhow xerada.
Dhanka kale, waxaa dagaal laga soo sheegay Warshadda Xasey, halkaas oo ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan ay isku dhaceen.
Ciidamada Haramcad ayaa la sheegay inay difaac ka galeen Wadada dheer ee Luga-Baxsi, iyadoo waddooyinka qaar ay xaaladdu aad u kacsanayd.
.
Ilaa hadda ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan gaarigaasi iyo waxa uu siday, balse dadka ku sugan goobahaas ayaa loogu baaqay inay taxaddar muujiyaan.
Khasaaraha dagaalkaIlo goob-joogayaal ah ayaa sheegaya in khasaaraha dagaalka uu u badan yahay dhaawac soo gaaray shacabka, iyadoo dad dhaawac ah loo qaaday xarumaha caafimaadka ee magaalada.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in Taliyihii Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad uu dhaawac soo gaaray intii uu dagaalku socday.
Dhanka kale, waxaa jira warar sheegaya in meydad ay ka carareen dagaalyahanno Al-Shabaab ah ay ku daadsan yihiin qaar ka mid ah xaafadaha Baydhabo, balse tirada meydadka iyo cidda ay yihiin weli si madax-bannaan looma xaqiijin.
Xaaladda magaalada haddaWararka ugu dambeeyay ee laga helayo gudaha Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamadii saaka weerarka soo qaaday laga saaray gudaha magaalada, isla markaana hadda aysan gudaha magaalada ka socon rasaastii xoogga badnayd.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa wada howlgal lagu baacsanayo kooxihii ka baxay magaalada, iyadoo hoobiyeyaal lagu garaacayo qaar ka mid ah goobaha la sheegay inay u carareen.
Dhinaca koonfureed ee Wadada Al-Amxaar, gaar ahaan halka loo yaqaan War-Gaduud, xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay hadda degan tahay.
Dadka shacabka ah ayaa meelo qaar dibadda usoo baxay, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku sugan yihiin goobihii dagaalku ka dhacay.
Baaq ku socda shacabkaIyadoo xaaladda amni ay weli tahay mid xasaasi ah, shacabka ku nool Buulo Jadiid, Al-Amxaar, Al-Ahli, Ceel Cabdi Shirey, Cuneey, Baalyaale, Bukriyey, Towfiiq iyo nawaaxiga Luga-Baxsi waxaa loogu baaqayaa inay ka fogaadaan goobaha dagaalka, ayna taxaddar dheeraad ah muujiyaan.
Wixii kusoo kordha dib idinkala wadaagi doonaa
