
Taliyaha Saldhigga Degmada Baydhabo, Cali Taagey, ayaa warbaahinta la hadlay kaddib weerarro maanta ka dhacay magaalada Baydhabo iyo daafaheeda.
Taliyaha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab iyo maleeshiyaad uu ku tilmaamay kuwo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ay weerarro ka soo qaadeen dhowr jiho, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimaha ciidamada dowladda.
Cali Taagey ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka jawaabeen weerarrada, isla markaana ay xaqiijiyeen xaaladda amni ee magaalada iyo nawaaxigeeda.
> “Waxaan xaqiijiyey xaaladda amni ee degmada Baydhabo iyo daafaha magaalada,” ayuu yiri Taliyaha Saldhigga Degmada Baydhabo.
Dagaallada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli magaalada iyo deegaanada ku dhow ay toddobaadyadii lasoo dhaafay ka jireen xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Warbixinno hore ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo daacad u ah Laftagareen ay weerarro ka geysteen fariisimaha ciidamada dowladda, halka dowladda Federaalka ay ku eedeysay inay la socdeen Al-Shabaab.
Eedeymaha xiriirkaas ayaa dhinaca Laftagareen hore u beeniyey.
Taliyaha ayaa hadalkiisa ku muujiyey in ciidamada ammaanku ay hadda gacanta ku hayaan xaaladda amni, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo khasaaraha ka dhashay dagaallada iyo xaaladda shacabka ku nool goobihii uu dagaalku saameeyey.
Warsan Radio — Baydhabo

