
Shirkadda diyaaradaha ee SalamAir ee dalka Cumaan ayaa bilowday duulimaad toos ah oo isku xiraya magaalooyinka Muqdisho iyo Muscat, taas oo noqonaysa adeeggii ugu horreeyay ee toos ah ee labada dal ka dhexeeya muddo ka badan 30 sano.
Duulimaadkan ayaa la filayaa inuu fududeeyo isu-socodka dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Cumaan, gaar ahaan ganacsatada, dadka safarrada shaqo u taga iyo Soomaalida ku nool dalka Cumaan.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuur, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dadaal ugu jirto sidii dalka loogu soo kordhin lahaa adeegyo duulimaad oo dheeraad ah iyo duulimaadyo isku-xir ah, si muwaadiniintu u helaan fursado safar oo sahlan iyo qiimo ay awoodaan.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in amniga, xasilloonida iyo sharciyada uu Baarlamaanka ansixiyay ay door ka qaateen in shirkadaha diyaaradaha ay Soomaaliya yimaadaan, isagoo xusay in ku dhawaad 10 shirkadood oo diyaaradeed ay hadda adeeg ka bixiyaan dalka, halka shirkado kale la filayo inay kusoo biiraan.
Munaasabadda lagu daahfurayay duulimaadka waxaa ka qeyb galay Safiirka Cumaan u fadhiya Soomaaliya, maamulka iyo shaqaalaha SalamAir, duuliyaha diyaaradda iyo ganacsato Soomaaliyeed.
Duulimaadka cusub ayaa sidoo kale loo arkaa tallaabo xoojin karta xiriirka ganacsi iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo Cumaan, isla markaana kordhin karta fursadaha isku-xirka Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka.
