Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtay inay si adag u bogaadinayso Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka magaalada Baydhabo, kaddib weerar ay magaalada ku soo qaadeen ciidamo taageersan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
War-saxaafadeed ku kala qornaa luuqada soomaaliga iyo English ah kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu sababay khasaare soo gaaray qaar ka mid ah shacabka iyo ciidamada ammaanka.
Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadu si degdeg ah uga jawaabeen weerarka, isla markaana ay ku guuleysteen inay fashiliyaan qorshihii ciidamada taageersan Madaxweynihii hore.
Dowladda ayaa sheegtay in ciidanka ammaanku howlgallada ay sameeyeen ku dileen in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa ciidamada taageersan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in ciidamada ammaanka iyo shacabka oo is garabsanaya ay soo afjareen dagaal saacado socday, kaas oo ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa tacsi u dirtay dhammaan dadkii ku naf waayay dagaalka, waxayna caafimaad degdeg ah u rajeysay askarta iyo shacabka ku dhaawacmay.
Dowladda ayaa sidoo kale ku celisay inay sii xoojin doonto sugidda amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.



