Golaha Wasiirada Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa deeq ka kooban xoolo nool ku wareejiyey Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada Birmadka ee Koonfur Galbeed, taas oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo ciidamada ka howlgala deegaanada maamulka.
Deeqdan ayaa isugu jirta dhiirrigelin iyo abaalmarin, iyadoo lagu muujinayo taageerada maamulka uu u hayo ciidamada ka qeyb qaadanaya sugidda amniga iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.
Xoolaha nool ayaa ciidamada waxaa u gudbiyey Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Korsaar, kaas oo sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu garab istaagayo ciidamada iyo sare u qaadista niyaddooda.
Deeqdan ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay wadaan howlgallo iyo qorshayaal lagu xoojinayo amniga, gaar ahaan magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow.
Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa marar badan adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada la taageero, lana dhiirrigeliyo, si ay u gutaan waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta shacabka iyo amniga deegaanada maamulka.



















