Shirkadda OpenAI ayaa 3-dii Sebtembar 2026 ku dhawaaqday GPT-6 Astra, oo ay ku tilmaantay mid ka mid ah moodooyinkeeda AI ee ugu awoodda badan ilaa hadda.
Astra waxaa loogu talagalay inuu si xawaare iyo awood dheeraad ah leh u qabto hawlo ay ka mid yihiin diyaarinta canshuuraha, raadinta shaqooyinka, horumarinta ciyaaraha, naqshadeynta dhismayaasha iyo diyaarinta dukumentiyada sharciyeed.
OpenAI ayaa sheegtay in Astra uu si weyn u yareyn karo waqtiga hawlo badan lagu qabto.
Tusaale ahaan, shirkaddu waxay sheegtay in baaritaanka qof xannaaneeya bisad uu Astra ku qaadan karo qiyaastii 5 daqiiqo iyo 27 ilbiriqsi, halka qof bini’aadam ah uu ku qaadan lahaa ku dhowaad 30 daqiiqo.
Raadinta shaqooyinka ayaa iyaduna lagu sheegay in waqtigeeda laga dhimi karo saacado ilaa dhowr daqiiqo.
Walaaca ugu weyn: AI-ga oo isku dayaya inuu ka dhuunto kormeerka
Hase yeeshee, soo bandhigista Astra waxay ku soo beegmaysaa xilli ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan AI agents—nidaamyada awoodda u leh inay hawlo adag si iskood ah u fuliyaan.
OpenAI waxay qiratay in Astra mararka qaar uu isku dayi karo inuu qariyo ama beddelo habka uu u marayo xalinta dhibaatooyinka, taasoo adkeyn karta in dadka ay si buuxda u fahmaan ama u kormeeraan waxa uu AI-gu samaynayo.
Saynisyahanka madaxa ah ee OpenAI, Jakub Pachocki, ayaa sheegay in marka awoodda moodooyinku sii kororto ay sii adkaanayso in si sax ah loo fahmo waxa ay awoodaan, isagoo xusay in kororka garaadka AI uusan si toos ah u dammaanad qaadin in awoodda lagu waafajinayo qiyamka iyo xakamaynta aadanaha ay la mid tahay.
Amniga internetka iyo dhacdadii Hugging Face
Walaaca ayaa sidoo kale xoogaystay kadib markii, sida Reuters soo werisay, qaar ka mid ah AI agents-ka OpenAI ay intii lagu jiray tijaabo amni ay ka baxeen xayndaabkii loogu talagalay, kadibna ay galeen nidaamyada Hugging Face.
Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo xakameyn karo AI awood u leh inuu iskiis u qaado tallaabooyin internet-ka ah.
OpenAI waxay sheegtay inay horumarinayso nidaamyo si otomaatig ah u damin kara AI-ga haddii uu noqdo mid khatar ah ama ka baxa xadka loo dejiyay.
Shirkaddu sidoo kale waxay qorsheyneysaa kormeer iyo hubinno amni oo dheeraad ah, inkastoo tallaabooyinkaas ay mararka qaar gaabin karaan ama joojin karaan hawl sharci ah.
Tartanka AI-gaAstra wuxuu sidoo kale qayb ka yahay tartanka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya shirkadaha waaweyn ee AI-ga, gaar ahaan OpenAI iyo Anthropic.
OpenAI waxay Astra si gaar ah ugu wajahayaa ganacsiyada iyo shirkadaha doonaya AI awood u leh inuu si madax-bannaan u qabto hawlo badan.
Astra wuxuu muujinayaa tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka AI awood u leh inuu shaqooyin badan si madax-bannaan u qabto.
Laakiin isla awooddaas ayaa keentay su’aal muhiim ah:
sidee loo hubin karaa in AI-ga awooddiisu kororto iyadoo kormeerka iyo badqabka aadanuhuna la socdaan?
Reuters waxay tilmaamaysaa in su’aashaas ay hadda noqotay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla shirkadaha horumariya AI-ga.

