
Taliyaha Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Dhamme Cabdullaahi Anjeex, ayaa ciidanka u jeediyey awaamiir iyo dardaaran ku aaddan sidii loo sii xoojin lahaa gudashada waajibaadka shaqo iyo sugidda amniga deegaanka.
Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyey dadaalka, howl-karnimada iyo hannaanka shaqo ee ay muujiyeen, isagoo sheegay in dadaalladaasi ay muhiim u yihiin xoojinta amniga iyo xasilloonida deegaanka.
Dhamme Cabdullaahi Anjeex ayaa ciidanka kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay ilaaliyaan anshaxa, isku-duubnida iyo wadajirka ciidamada, kuwaas oo laf-dhabar u ah hawlgalka iyo shaqada ciidan.
Waxa uu sidoo kale ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, iyagoo si masuuliyad leh u gudanaya waajibaadka loo igmaday.
Dardaaranka Taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa maamul-goboleedyada ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida deegaanada ay ka howlgalaan.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ururka 95-aad ayaa ciidanka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan, anshax iyo isku-duubni, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni bulshada deegaanka.

