Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay ansixinta Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA), tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u furaysa fursado cusub oo ganacsi, maalgashi iyo wax-soo-saar ah oo ka baxsan suuqyada gobolka.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay in dalka uu ratifiyey heshiiska, isla markaana diyaariyey Istaraatiijiyadda Qaranka ee Hirgelinta AfCFTA.
AfCFTA waa heshiis ay ku mideysan yihiin dalalka Midowga Afrika, kaas oo lagu dhisayo suuq ganacsi oo qaaradeed oo ka badan 1.3–1.4 bilyan oo qof ah, isla markaana leh dhaqaale isku-dar ah oo ku dhow $3.4 trillion.
Ujeeddadu waa in la yareeyo caqabadaha ganacsiga, lana kordhiyo isku-xirka dhaqaale ee dalalka Afrika.
Maxay Soomaaliya ka faa’iidi kartaa?
1. Suuq ballaaran oo loo helo ganacsatada SoomaaliyeedGanacsatada Soomaaliyeed waxay heli karaan fursado ay badeeco iyo adeegyo ugu dhoofiyaan suuqyo ka baxsan Bariga Afrika, oo ay ku jiraan dalal ku yaalla Galbeedka, Bartamaha iyo Waqooyiga Afrika.
2. Xoolaha iyo wax-soo-saarka gudahaAfCFTA waxay siin kartaa Soomaaliya fursad ay uga gudubto dhoofinta badeecooyinka ceeriin, gaar ahaan xoolaha, una gudubto qiime-kordhin iyo wax-soo-saar gudaha dalka ah. Xogta AfCFTA waxay xustay xoolaha inay yihiin mid ka mid ah meelaha Soomaaliya horey ugu leedahay awood ganacsi.
3. Maalgashi iyo warshadoHeshiisku wuxuu fursad u abuuri karaa maalgashadayaasha doonaya inay Soomaaliya ka sameystaan wax-soo-saar loogu talagalay suuqyada Afrika. Dowladda ayaa sidoo kale xoogga saaraysa horumarinta aagagga warshadaha iyo wax-soo-saarka gudaha.
4. Shaqo-abuur iyo kobaca ganacsiyada yaryarHaddii si wanaagsan loo hirgeliyo, ballaarinta suuqyada waxay dhiirrigelin kartaa shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, adeegyada, gaadiidka iyo ganacsiga dijitaalka ah.
Laakiin ratification-ku waa bilowWaxaa muhiim ah in la kala saaro ansixinta gudaha iyo deposit-ka rasmiga ah ee heshiiska.
Warbixin ka soo baxday AfCFTA Secretariat ayaa sheegtay in Soomaaliya ay dhamaystirtay habka ratification-ka gudaha, balse tallaabada lagu siinayo heerka State Party ay tahay in Soomaaliya ay dhigto qalabka ratification-ka ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.
Wasaaradda Ganacsiga ayaa sheegtay in tallaabadaas loo qorsheeyay Sebtembar 2026.
Marka deposit-ka la sameeyo ayay Soomaaliya noqonaysaa dalkii 50-aad ee State Party.
Caqabadda ugu weyn
Faa’iidada heshiisku si toos ah uma imaanayso marka la ansixiyo.
Soomaaliya waxay u baahan tahay inay dhamaystirto jadwalka canshuuraha, xeerarka asalka badeecadaha (Rules of Origin), nidaamyada kastamka, iyo adeegyada ganacsiga, si badeecadaha Soomaaliyeed loogu aqoonsado badeecooyin asal ahaan Soomaaliya ka yimid marka ay galaan suuqyada Afrika.
Ku biirista AfCFTA waxay Soomaaliya u tahay fursad dhaqaale oo istiraatiiji ah. Haddii la helo wax-soo-saar gudaha ah, kaabayaal wanaagsan, nidaam kastam oo hufan, maalgelin la heli karo iyo taageero loo fidiyo ganacsatada, Soomaaliya waxay ka faa’iideysan kartaa suuqa qaaradda oo dhan.
Laakiin guusha dhabta ahi waxay ku xirnaan doontaa hirgelinta heshiiska, ee aysan ku ekaan ansixintiisa.




