
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Washington, D.C. ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubno ka tirsan bulshada Somaliland iyo taageerayaasha Somaliland ee ku nool dalkaas, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Madaxweynaha waxaa safarka ku wehelinaya Marwada Koowaad ee Somaliland iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo madaxtooyada, oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Duulista iyo Horumarinta Madaarrada, Gaashaandhigga, iyo la-taliyeyaal sare oo qaabilsan arrimaha dhaqaalaha iyo dibadda.
Sida lagu sheegay warbixinta Madaxtooyada, xubno kale oo ka tirsan weftiga ayaa iyaguna ku biiri doona Madaxweynaha, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Wasiirka Madaxtooyada iyo La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Inta uu Madaxweynaha Somaliland ku guda jiro booqashadiisa Maraykanka, waxaa la filayaa inuu kulamo iyo wada-hadallo la yeesho masuuliyiin iyo dhinacyo kala duwan. Ajandayaasha safarka ayaa lagu sheegay inay diiradda saari doonaan xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, maalgashiga iyo taageerada qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.
Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in booqashadu qayb ka tahay dadaallada xukuumadda ee lagu horumarinayo danaha Somaliland, iyadoo Madaxweynaha iyo weftigiisu ay kulamada ka jeedin doonaan aragtida Somaliland iyo doorkeeda istaraatiijiga ah ee gobolka.
