
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dhaqan-gelinta Xeer Wasiir Lr. 0001/26, kaas oo lagu ansixiyay Habraaca Kumeelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka dalka.
Xeerka oo Wasiirku saxiixay 27-kii Luulyo 2026, ayaa khuseeya dhammaan hay’adaha, machadyada, ururrada, golayaasha iyo shakhsiyaadka ka shaqeeya dhinacyada dhaqanka iyo farshaxanka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa ajaanibta ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in habraacan looga gol leeyahay in la hirgeliyo Siyaasadda Qaranka ee Dhaqanka iyo Farshaxanka, iyadoo la sameynayo nidaam mideysan oo lagu diiwaangeliyo laguna kormeero hay’adaha ka shaqeeya qeybahan.
Sidoo kale, habraacu wuxuu diiradda saarayaa ilaalinta iyo horumarinta dhaqanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed, xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha ku shaqada leh, iyo hubinta in howlaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka ay yeeshaan tayo iyo sharciyeyn rasmi ah.
Sida ku cad Qodobka 2-aad ee Xeerka Wasiirka, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa mas’uul ka noqonaysa diiwaangelinta rukhsadaha iyo heshiisyada, ilaalinta xogta iyo kaydinta dukumentiyada, iyo dabagalka fulinta xeerka.
Wasaaraddu waxay dhammaan hay’adaha, ururrada, machadyada iyo shakhsiyaadka uu xeerku khuseeyo ugu baaqday inay si buuxda ula jaanqaadaan habraaca cusub, isla markaana ay Wasaaradda kala soo xiriiraan arrimaha la xiriira diiwaangelinta, rukhsadaha, heshiisyada iyo dukumentiyada hawlahooda.
Wasaaradda ayaa sidoo kale caddeysay in Xeer Wasiir Lr. 0001/26 uu dhaqan galay markii uu saxiixay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo ku baaqday in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay u hoggaansamaan xeerka si loo helo nidaam mideysan oo sharciyeysan oo lagu maamulo laguna horumariyo dhaqanka iyo farshaxanka Soomaaliya.


