Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ππππππ ππππππππ ππππππ ππππ, ayaa difaacday cilmi-baaristiisa heerka labaad ee Master-ka, taas oo uu ka diyaariyey Β«Ψ§ΩΨΩΨ³ΩΨ¨ΩΨ©Ω ΨΉΩΨ― Ψ§Ψ¨Ω ΨͺΩΩ ΩΨ©Β», kana tirsan qaybta Siyaasadda Shareecada ee Jaamacadda Islaamiga ah ee Muqdisho.
Difaaca cilmi-baarista Wasiirka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubno ka tirsan guddiyada Caddaaladda, Dastuurka iyo Diinta, culimo iyo mashaaβikh, madaxda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, maamulka Jaamacadda lataliyayaal iyo marti kale.
Guddoomiyaha Jaamacadda Islaamiya ayaa munaasabadda ka sheegay in Wasiir Mukhtaar Roobow uu waqti iyo dedaal xooggan geliyey diyaarinta cilmi-baaristan.
Waxa uu tilmaamay in dadaalkaas uu horseeday in buugga uu diyaariyey madaxda Jaamacaddu ku tilmaamaan mid ka mid noqon doona daraasadaha dhaxalka aqooneed leh, oo ay mustaqbalka tixraac ahaan uga faaβiidaysan doonaan ardayda samaynaysa cilmi-baarista.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Wasiirka ugu baaqay inuu sii wato socdaalkiisa waxbarasho iyo cilmi-baariseed, isla markaana uu u gudbo heerka ugu sarreeya ee waxbarashada, Doctorate-ka (PhD).
Dhanka kale, mushrafkii Wasiirka ahana Guddoomiyaha daraasaadka sare ee Jaamacadda, Dr. Xasan Mahdi, ayaa ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Wasiir Roobow, laga soo bilaabo xilligii uu xabsiga ku jiray ilaa uu xilka wasiirnimo qabtay.
Dr. Xasan ayaa xusay in Wasiirku, marxalad kasta oo uu soo maray, uusan ka tanaasulin waxbarashada, cilmi-baarista iyo raadinta aqoonta.
Waxa uu tilmaamay in Wasiir Roobow uu kaga duwanaa arday badan oo uu isagu soo martay, maadaama uu si qoto dheer uwada akhriyey kutubtii iyo tixraacyadii uu cilmi-baaristiisa ku saleeyey, isla markaana uu si toos ah uga faaβiidaystay nuxurka aqooneed ee ku jiray.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dr. Cabdinaafac Acmed Cabdulaahi, ayaa si kooban uga hadlay munaasabadda, isagoo sheegay in madaxda Wasaaradda iyo dhammaan shaqaalaheedu ay Wasiirka ugu hambalyeynayaan guusha uu gaaray.
Waxa uu xusay in guushani ay ka dhalatay dadaal, dulqaad iyo naf-hurnimo uu Wasiirku muujiyey.
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha ayaa Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow guddoonsiiyey bilad sharaf, taas oo muujinaysa sida hoggaanka Wasaaradda iyo shaqaalaheedu ugu faraxsan yihiin guusha Wasiirkoodu gaaray, uguna bogaadinayaan dadaalkii uu ku bixiyey dhammaystirka waxbarashadiisa.





