Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ahna Duqa Magaalada, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow, ayaa hoggaamiyay howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.
Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada AUSSOM, Ciidanka Militariga Soomaaliyeed iyo Ciidamada Birmadka Koonfur Galbeed, iyadoo ujeeddadu ahayd xoojinta amniga iyo sugidda nabadgelyada shacabka ku nool nawaaxiga degmada.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa howlgallo amni ka fuliyay deegaano ku yaalla duleedka Diinsoor, iyadoo Guddoomiyaha Degmada uu si toos ah u hoggaaminayay ciidamada ka qeybgalayay howlgallada.
Maamulka Degmada Diinsoor ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga, laguna ilaalinayo shacabka iyo deegaanka.
Maamulka ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgalada noocan ah ay muhiim u yihiin xoojinta amniga iyo ka hortagga falalka wax u dhimaya nabadgelyada deegaanka.



















