Muqdisho – Ku-xigeenka Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa magaalada Muqdisho ka furay kulanka saddex-biloodlaha saddexaad ee Kooxda Farsamada Qaranka ee Wax-ka-qabashada Hore ee Soomaaliya (National Technical Working Group on Anticipation Action – NTWGAA) ee sannadka 2026.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha ku howlan maaraynta khataraha musiibooyinka, iyo diyaarinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu qaado tallaabooyin hore si loo yareeyo saameynta musiibooyinka ka hor inta aysan dhicin.
Kulanka waxaa ka qeyb galay hay’ado dowladeed, ururro caalami iyo kuwa maxalli ah, khubaro iyo daneeyayaal ka shaqeeya maareynta khataraha musiibooyinka iyo tallaabooyinka ka-hortagga saameynta musiibooyinka.
Agaasimaha Waaxda Maareynta Khatarta Musiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadri, oo kulanka hoggaaminayay, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo qorshayaasha qaranka iyo hababka wax-ka-qabashada hore, si bulshada loogu diyaariyo khataraha soo socda, loogana hortago khasaaraha naf iyo maal ee ka dhasha musiibooyinka.
Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa isna sheegay in loo baahan yahay iskaashi iyo isku-xirnaan hay’adeed oo xooggan, si loo helo diyaar-garow wanaagsan iyo tallaabooyin degdeg ah oo la qaado ka hor inta aysan musiibooyinku saameyn ku yeelan bulshada.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka Soomaaliya ee saadaalinta khataraha, diyaar-garowga iyo wax-ka-qabashada hore, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo ilaalinta bulshada nugul iyo yareynta saameynta musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kale ee dalka ka dhaca.
Ujeeddada guud ayaa ah in la xoojiyo awoodda hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta ay la shaqeeyaan, si marka digniin laga helo khatar soo socota loo qaado tallaabooyin waqtigooda ku habboon, halkii laga sugi lahaa musiibada kaddib.




