
Kalfadhiga 63-aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ka furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, iyadoo lagu soo bandhigayo in ka badan 80 warbixin iyo xog-cusboonaysiin afka ah oo ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee 19 dal, oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Warbixinta Amnesty International ee Soomaaliya ee 2025 ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay weli yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatadu ka soo gaarto colaadaha hubeysan ee dalka ka socda. Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in carruurtu ay wajahaan xadgudubyo culus oo ka dhan ah xuquuqdooda.
Sida lagu sheegay warbixinta, dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha Soomaaliya ayaa sii waday inay geystaan xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Haweenka iyo gabdhaha oo wajahaya khataro gaar ahWarbixintu waxay si gaar ah uga digtay xaaladda haweenka iyo gabdhaha, kuwaas oo colaadaha iyo amni-darradu u horseedeen khataro dheeraad ah.
Waxaa lagu sheegay inay la kulmaan tacaddiyada ku salaysan jinsiga, oo ay ku jiraan xadgudubyo galmo oo xiriir la leh colaadaha.
Amnesty International ayaa ku baaqday in la ilaaliyo dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta, haweenka iyo dadka kale ee nugul, isla markaana dhinacyada colaadda lagu waajibiyo inay u hoggaansamaan xeerarka caalamiga ah ee ilaalinaya xuquuqda aadanaha iyo dadka rayidka ah.
Kalfadhiga Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale fursad u ah in si caalami ah loogu qiimeeyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, iyadoo muhiimadda la saarayo sidii loo xoojin lahaa ilaalinta shacabka, isla xisaabtanka iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhasha colaadaha.
Soomaaliya ayaa muddo dheer wajahaysay caqabado la xiriira colaadaha hubeysan, barakaca iyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah, waxaana warbixintan ay mar kale iftiiminaysaa baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo shacabka iyo carruurta.

