
Muqdisho – Shirkadda diyaaradaha ee SalamAir ayaa bogaadisay jawaabta degdegga ah iyo wada-shaqeynta ay muujiyeen Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso, kuwaas oo ka qeyb qaatay xoojinta tallaabooyinka iyo qorshayaasha amniga ee lagu sugayo badbaadada shaqaalaha iyo howlaha shirkadda ee magaalada Muqdisho.
SalamAir ayaa sheegtay inay si weyn u qadarinayso dadaallada lagu xoojinayo jawiga amni ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaheeda iyo howlaha diyaaradaha shirkadda, iyadoo tallaabooyinkan ay muhiim u yihiin xaqiijinta in howlaha duulimaadyadu u dhacaan si ammaan iyo habsami leh.
Shirkaddu waxay sidoo kale mar kale xaqiijisay in badbaadada iyo amniga shaqaalaheeda iyo rakaabkeeda ay yihiin mudnaanta koowaad ee shirkadda, ayna si joogto ah uga shaqeyso sidii loo xaqiijin lahaa amni iyo badbaado heer sare ah.
Tallaabooyinka la qaaday ayaa kusoo beegmaya xilli muhiimad gaar ah la siinayo xoojinta amniga iyo badbaadada duulimaadyada ka howlgala garoonka iyo hawada Soomaaliya.
SalamAir ayaa uga mahadcelisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo dhammaan hay’adaha ay khuseyso iskaashiga iyo jawaabta degdegga ah, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonto wada-shaqeynta dhinacyada ay khuseyso si loo ilaaliyo amniga shaqaalaha, rakaabka iyo howlaha shirkadda ee Muqdisho.
