Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Soomaaliya ku matalay magaalada Qaahira ee dalka Masar, kulan heer wasiirro ah oo ay yeesheen Golaha Jaamacadda Carabta.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka qeyb galay kalfadhigii 11-aad ee Guddiga Wasiirrada Carabta ee Arrimaha Qudus, iyadoo shirarka looga hadlay arrimo muhiim u ah dalalka Carabta iyo xaaladda Falastiin, gaar ahaan magaalada Qudus iyo dhulka Falastiiniyiinta.
Intii uu kulamada socday, Soomaaliya waxay mar kale caddeysay taageeradeeda joogtada ah ee shacabka iyo qaddiyadda Falastiin, iyadoo ku adkeysatay muhiimadda xal waara iyo in la dhowro xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay muujisay sida ay uga go’an tahay iskaashiga iyo wadajirka Carabta, iyadoo ka qeyb qaadanaysa dadaallada lagu xoojinayo mowqifka mideysan ee dalalka Carabta ee ku aaddan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Kulamadan ayaa sidoo kale fursad u ah Soomaaliya inay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.





