Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC), oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga wada hadlay Hindisaha Xoojinta Dhaqaale Nabadeed, kaas oo ku saleysan Hiigsiga Qarni-jirka Soomaaliya 2060 (CV2060) iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa kulanka ku soo bandhigay natiijooyinka muhiimka ah ee sahanno iyo daraasado uu Goluhu sameeyay, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda dhaqaalaha iyo fursadaha ka jira Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay horumarka Soomaaliya ka samaysay dhinacyada nabadda, koboca dhaqaalaha iyo dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee cusub, iyagoo xusay in nabaddu ay horseedi karto fursado dhaqaale iyo maalgashi oo dheeraad ah.
Hindisahan oo ku saleysan cilmi-baaris dhaqaale ayaa si qoto dheer u eegi doona qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay in la dardargeliyo koboca dhaqaalaha, abuurista fursadaha shaqo iyo isbeddelka dhaqaale ee dalka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha qaranka.











