
Ciidanka Booliiska Degmada Baydhabo ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu tuhunsan yahay inuu ka qayb qaatay xatooyo ka dhacday guri ku yaalla xaafadda Buula Jameeco ee magaalada Baydhabo.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Maahiye Ciise Mukhtaar Ina Maano Madeey Xaaji, da’diisuna tahay 24 jir, ayaa la sheegay in ciidamadu ku qabteen isagoo gacanta ku haya saddex telefoon oo la tuhunsan yahay in laga soo xaday gurigaasi.
Telefoonnada ayaa kala ahaa hal telefoon oo weyn iyo laba telefoon oo yaryar.Sida ay sheegeen laamaha amniga, qabashada eedeysanaha ayaa timid kaddib markii shacabka deegaanka ay si degdeg ah ula xiriireen ciidamada ammaanka, iyagoo bixiyay xog ku saabsan dhacdada.
Ciidanka Booliiska Degmada Baydhabo ayaa ka jawaabay xogtaas, waxayna gacanta ku dhigeen eedeysanaha iyo telefoonnada lala xiriirinayo falka.Eedeysanaha ayaa hadda ku xiran saldhigga Booliiska, waxaana la sheegay in loo gudbin doono habraacyada sharciga ah ee dalka, iyadoo baaritaan iyo caddaalad loo marayo.
Dhacdadan ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga, gaar ahaan in bulshada ay si degdeg ah uga warbixiso dhacdooyinka amni-darrada iyo falalka lagu waxyeelleynayo hantida shacabka.
Laamaha amniga ayaa bulshada ugu baaqaya inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta sugidda amniga, ilaalinta hantida iyo ka hortagga falalka dambiyada ah.
Booliiska ayaa sidoo kale xusuusinaya bulshada in qof kasta oo la tuhunsan yahay loo raaco habraaca sharciga, isla markaana go’aanka kama dambaysta ah uu leeyahay maxkamadda awoodda u leh.

