Dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay madaafiic hoobiyeyaal ah ku garaacday gudaha magaalada.
Sida wararka laga helayo deegaanka ay sheegayaan, ciidamada dowladda ayaa kadib weerarka madaafiicda ah u baxay goobihii lagu tuhunsanaa in laga soo tuuray hoobiyeyaasha, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad culus.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay afaafka hore ee Baardheere, gaar ahaan agagaarka deegaannada Buuloweyn iyo Kormarey, oo la sheegay inay ka mid ahaayeen goobihii hoobiyeyaasha laga soo tuuray.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ugu dambeyn la wareegeen goobihii lagu dagaalamay, isla markaana ay Al-Shabaab dib uga riixeen halkaasi.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in siddeed askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay dagaalka, halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen. Tiradan ayaa u baahan xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxda saraakiisha ciidamada.
Dhanka kale, sarkaal ka tirsan ciidamada oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay inuu arkay meydadka 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah. Hase yeeshee, sheegashadaas ayaan weli helin xaqiijin madax-bannaan.
Saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa sidoo kale sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerarka uga yimaadeen dhinaca waddada isku xirta Baardheere iyo degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka
Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Sahal Cabdullaahi Cumar, uu maalintii afaraad ku sugan yahay degmada Baardheere.
Taliyaha ayaa Axaddii gaaray Baardheere, iyadoo ujeeddada booqashadiisa lagu sheegay inay la xiriirto qorshe lagu furayo xero militari oo lagu tababaro ciidamada Xoogga Dalka.
Qorshaha furitaanka xerada ayaa sidoo kale dhaliyay walaac iyo dood ka dhex taagan qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo la sheegay inay ka soo horjeedaan ama walaac ka qabaan hirgelinta xerada.
Odayaasha qaarkood ayaa walaacooda ku sababeeyay kalsooni-darro ay ka qabaan awoodda iyo joogteynta Dowladda Federaalka, gaar ahaan marka laga hadlayo amniga iyo maamulka deegaanka.

