Wakiilka Gaarka ah ee Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Danjiraha Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktas.
Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee AUSSOM ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isu-duwidda dadaallada lagu taageerayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga iyo xasillinta dalka.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan waajibaadka Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo taageerada caalamiga ah ee geeddi-socodka nabadda ee ay hoggaaminayaan Soomaalidu.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga iyo sidii loo sii adkeyn lahaa xasilloonida dalka.
AUSSOM ayaa door muhiim ah ka qaadanaya taageerada ciidamada iyo hay’adaha amniga Soomaaliya, iyadoo iskaashiga u dhexeeya dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya uu qayb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo amni ay Soomaalidu hoggaaminayso.





