Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wasiirka Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa kulan la yeeshay George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadantinimada ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda u dhexeeya SoDMA, Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha samafalka, gaar ahaan dadaallada lagu ilaalinayo bulshada nugul iyo yareynta saameynta fatahaadaha.
Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ka wada hadleen muhiimadda tallaabooyinka hore (Early Action) iyo gurmadka la sii qorsheeyo (Anticipatory Action), kuwaas oo lagu doonayo in tallaabooyin looga hortago khasaaraha fatahaadaha la qaado ka hor inta aysan musiibooyinku dhicin.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay in iskaashi iyo isku-duwid degdeg ah ay muhiim u yihiin yareynta khataraha la saadaalin karo, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyadu ay si wadajir ah uga shaqeeyaan diyaar-garowga iyo gurmadka bulshada ay fatahaaduhu saameyn karaan.
Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli muhiimad gaar ah la siinayo diyaargarowga hore iyo ka-hortagga saameynta fatahaadaha, si loo yareeyo khasaaraha bani’aadannimo iyo midka dhaqaale ee ay musiibooyinku sababi karaan.



