Deniz Demir, oo ah isku-duwaha Xarunta La-dagaallanka Wararka Been-abuurka (DMM) ee hoos tagta Madaxtooyada Isgaarsiinta Türkiye, ayaa ka hadlay muhiimadda xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Türkiye iyo Soomaaliya.
Demir ayaa sidoo kale soo bandhigay habab wax-ku-ool ah oo lagu wajihi karo wararka been-abuurka ah iyo xogaha marin-habaabinta ah, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in bulshada loo gudbiyo xog sax ah oo laga hubiyay ilo lagu kalsoon yahay.
Waxa uu xusay in iskaashiga labada dal aanu ku koobnayn dhinacyada siyaasadda iyo amniga oo keliya, balse uu sidoo kale muhiim ka yahay warbaahinta, isgaarsiinta, wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga faafitaanka macluumaadka khaldan.
Kulanka ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda sii kordheysa ee iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee dhinaca xiriirka dadweynaha iyo difaaca bulshada ee saameynta wararka marin-habaabinta ah.
Halkan hoose kadaawo kalimadiisa oo dhameystiran.

