Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasim, ayaa xarunta guddiga ee Muqdisho ku qaabishay Wakiilka Joogtada ah ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya, Chris Politis, iyo wafdi uu hoggaaminayay.Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta hay’adda, dhisidda awoodda shaqaalaha, isla xisaabtanka iyo hufnaanta, iyo xoojinta nidaamyada guddigu u adeegsado kormeerka, warbixinta iyo qaabilaadda cabashooyinka la xiriira xuquuqul insaanka.
Wakiilka UNDP, Chris Politis, ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay hay’addu uga go’an tahay taageerada Guddiga Xuquuqul Insaanka oo xooggan oo madaxbannaan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la horumariyo iskaashi muddo-dheer ah, kaas oo lagu xoojinayo madaxbannaanida, waxtarka iyo awoodda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya, si uu si buuxda ugu gudan karo waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah.

