Waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyootay, Alle ha u naxariistee, Marxuumad Aamina Sheekh Maxamed Dooyow.
Geerida Marxuumadda ayaa murugo iyo tiiraanyo ku beertay ehelkeeda, qaraabadeeda, asxaabteeda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ka tacsiyeeyay geerida ku timid.
Qoraal tacsi ah oo laga bixiyay geerida Marxuumadda ayaa lagu sheegay in Alle looga baryayo inuu Aamina Sheekh Maxamed Dooyow hoygeeda ka dhigo Jannatul Firdowsa, dambigeedana dhaafo.
Sidoo kale, waxaa Alle looga baryay ehelka, qaraabada iyo dhammaan Reer Sheekh Shucayb oo ay Marxuumaddu ka geeriyootay inuu ka siiyo samir iyo iimaan.
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Alle ha u naxariisto Marxuumad Aamina Sheekh Maxamed Dooyow, ehelkeeda iyo qaraabadeedana samir iyo iimaan haka siiyo.
Aamiin, Aamiin.

