
Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed ayaa galay kaalinta 1-aad ee tartanka caalamiga ah ee xifdinta, akhrinta iyo tajwiidka Qur’aanka Kariimka ah, kaas oo ay ka qayb galeen tartamayaal ka kala socday dalal Afrikaan ah.
Tartankan oo ah daabacaaddii 7-aad waxaa soo qabanqaabisay Mu’assasada Maxamed VI ee Culimada Afrika, waxaana lagu qabtay magaalada Fes ee dalka Morocco.
Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed ayaa Soomaaliya ku matalay tartanka, isagoo kaalinta koowaad ka galay qaybta xifdinta Qur’aanka Kariimka ah oo lagu daray tajwiidka, akhrinta iyo riwaayadaha kale.
Kaalinta labaad waxaa galay Xamuud Xabiib Daalib Abubakar, oo ka socday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania, halka kaalinta saddexaad uu galay Ismaaciil Yuusuf Xamaad, oo ka socday Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania.
Tartanka ayaa socday 25 ilaa 27 Sebtembar 2026, waxaana lagu qabtay magaalada Fes, Boqortooyada Morocco.
Guusha Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed waxay muujinaysaa ka qaybgalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tartamada caalamiga ah ee Qur’aanka Kariimka ah, iyadoo uu Soomaaliya ku matalay tartan ay ka qaybgaleen dhalinyaro ka kala socday dalal badan oo Afrika ah.
Warsan radio baidao waxay Hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed. 🇸🇴📖

