28-ka Sebtembar 2026 ayaa dunidu u dabaaldegeysaa Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Xogta, oo sanadkan diiradda lagu saarayo ilaalinta hufnaanta xogta xilliga dijitaalka ah iyo la tacaalidda xogaha khaldan iyo kuwa marin-habaabinta ah.
Qaramada Midoobay waxay xustay in helitaanka xog sax ah, la isku halleyn karo oo waqtigeeda ku timaadda uu muhiim u yahay fahamka arrimaha bulshada iyo ka-qaybgalka dadweynaha.
Maalintan ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah u leh warbaahinta rasmiga ah iyo baraha bulshada, kuwaas oo maanta ah labada marin ee ugu muhiimsan ee bulshada lagu gaarsiiyo wararka iyo xogta.
Warbaahinta rasmiga ah waxay leedahay masuuliyad weyn oo ku saabsan ururinta, xaqiijinta iyo faafinta xogta rasmiga ah, gaar ahaan marka ay soo baxaan dhacdooyin muhiim ah oo saameynaya bulshada.
Tusaale ahaan, Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) waxaa dowladda Soomaaliya u aqoonsan tahay hay’adda rasmiga ah ee wararka qaranka, iyadoo shaqadeedu tahay ururinta, xaqiijinta iyo faafinta wararka gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Dhanka kale, baraha bulshada ayaa beddelay habka ay dadku u helaan wararka. Xogta ayaa si degdeg ah ku gaarta malaayiin qof, waxaana bulshada u fududaatay inay si toos ah ula socdaan dhacdooyinka. Hase yeeshee, xawaarahaas wuxuu sidoo kale kordhin karaa faafitaanka warar aan la xaqiijin, xog khaldan iyo warar marin-habaabin ah.
Sidaas darteed, doorka saxaafaddu ma aha oo keliya in ay war degdeg ah soo gudbiso, balse sidoo kale waa in ay xaqiijiso xogta, kala saarto xaqiiqada iyo sheegashada, isla markaana bulshada si masuuliyad leh ugu gudbiso macluumaad la isku halleyn karo.
Hay’adda Midowga Afrika u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in helitaanka xog sax ah, hufan oo la isku halleyn karo uu muhiim u yahay la dagaallanka xogaha khaldan iyo kuwa marin-habaabinta ah.
Soomaaliya gudaheeda, ururrada warbaahinta ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in suxufiyiintu helaan xogta dadweynaha si ay bulshada ugu gudbiyaan warar waqtigooda ku yimaadda.
Somali Media Association (SOMA) ayaa 28-ka Sebtembar 2026 ku baaqday in la xoojiyo helitaanka xogta dowladda, wada-shaqeynta hay’adaha iyo warbaahinta, iyo ilaalinta saxnaanta iyo xaqiijinta wararka.
Somali Media AssociationDoodda oo dhammeystiran ee ku saabsan doorka warbaahinta rasmiga ah iyo baraha bulshada ee gudbinta wararka iyo xogta waxaa laga daawan karaa muuqaalka hoose:
Daawo doodda oo dhammeystiran YouTube

