Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Saadiq Abshir Garaad, ayaa faahfaahin ka bixiyey doorashooyinka golayaasha deegaanka ee maanta ka bilaabmay dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Saadiq Abshir Garaad ayaa sheegay in doorashada Galmudug ay ka socoto 178 goobood oo ku kala yaalla 11 degmo, iyadoo ay codkooda dhiibanayaan ku dhowaad 267,420 cod-bixiye, kuwaas oo kala dooranaya musharraxiin iyo ururro siyaasadeed oo gaaraya 12 urur.
Dhanka Hirshabeelle, waxa uu sheegay in codbixintu ka bilaabatay 103 goobood oo ku yaalla 10 degmo, halka tirada cod-bixiyeyaasha diiwaangashan lagu sheegay 152,763 qof, kuwaas oo kala dooranaya 14 urur siyaasadeed.
Guddoomiye Saadiq ayaa sheegay in goobaha codbixintu ay xirmayaan 6:00 fiidnimo, 30-ka Sebtembar, isagoo xusay in dadka waqtiga xiritaanka ku jira safafka loo oggolaan doono inay codkooda dhiibtaan, sida uu sheegay guddigu.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in ilaa waqtiga uu warbixinta bixinayey aan la soo sheegin dhacdooyin wax u dhimaya amniga ama nidaamka doorashada goobaha codbixinta.
Guddiga ayaa u mahadceliyey ciidamada ammaanka, hawlwadeennada doorashada iyo dhammaan dhinacyada ka qayb qaadanaya qabsoomidda doorashooyinka.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale sheegay in tirinta codadka la bilaabayo marka ay soo xirmaan goobaha codbixintu, iyadoo natiijooyinka rasmiga ah laga sugayo habraacyada tirinta iyo xaqiijinta codadka.
Source 👉👉👉 Wargeyska Dalka

