Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Waxaa maanta magaalada Baydhabo ku geeriyooday, Alle ha u naxariistee, General Maxamed Axmed Deer (Mad-Mad), oo kamid ahaa saraakiishii Soomaaliyeed ee u soo adeegay dalka iyo Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.
Geerida marxuumka ayaa murugo iyo tiiraanyo ku beertay ehelkiisa, qaraabadiisa, bahda ciidanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Tacsi tiiraanyo leh ayaa loo dirayaa qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, iyadoo Alle looga baryayo inuu marxuumka naxariistiisa waasac ku gallado, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo.
Ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan intii uu ka baxay Alle ha ka siiyo samir iyo iimaan.Aamiin.

