Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaas oo ku sugan biyaha Soomaaliya, halkaas oo ay ka socoto hawsha qodista shidaalka badda hoosteeda.
Madaxweynaha ayaa diyaarad helicopter ah ugu duulay markabka, halkaas oo uu kula kulmay injineerrada iyo khubarada farsamada ee ka shaqeynaya hawsha qodista shidaalka.
Shaqaalaha ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay qalabka markabka, heerka ay marayso shaqada qodista iyo habka loo maamulo hawlgallada, iyagoo sidoo kale tusay xarunta laga hago markabka.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay madaxda hoggaamineysa hawlgalka qodista shidaalka, kaas oo uu xog dheeraad ah kaga helay shaqada socota.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday markab ciidan oo badda ah oo la socda hawlgalka, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha markabka. Wuxuu sidoo kale saxiixay buugga diiwaanka booqdayaasha.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya waddo dadaallo la xiriira sahminta iyo soo saarista kheyraadka shidaalka ee ku jira biyaha dalka.
Hase yeeshee, xogta ku saabsan heerka wax-soo-saarka shidaalka iyo jadwalka rasmiga ah ee hawlaha xiga waxay u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah oo ay bixiyaan mas’uuliyiinta hawlgalka.




