Jowhar-(WRB)- Waxaa goor dhow Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamayay Abuukar Xasan Maqani iyo Sheekh Cusmaan Barre, waxaana ugu dambeyn ku guuleystay Sheekh Cusmaan Barre oo helay 61 cod, halka Abuukar Xasan Maqani uu helay 28 cod.
Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa u kala codeeyay labada Musharax, waxaana ugu dambeyn ku guulesyatay Sheekh Cusmaan Barre oo keensaday 61 cod.
Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa waxaa loo dhaariyay xilkan, waxaana uu sheegay in uu si wanaagsan u gudan doono shaqadiisa.