Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, ayaa qiray markii ugu horeysay inay jiraan qaladaad ka taagan Doorashooyinka Xubnaha Aqalka hoose ee ka socda Dowlad Goboledyada dalka ka jira.
Doorashooyinka Xubnaha Aqalka hoose ee ka socda Dowlad Goboledyada dalka ka jira, ayaa la aaminsan yahay inay ka taagan tahay musuq maasuq xoogan oo ku aadan sida Ergooyinka Beelaha ay u qaybsadeen.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay qaladaad inay jiraan, isaga oo intaasi raaciyay inaysan odhaneyn Doorashada qalad kama jiro.
“Qaladaad waa ay jiraan ma dhaheyno qalad ma jiro, yaa noo sheegaya, meesha qalad uu ka dhaco iyo meesha qalad uusan ka dhicin, waxaa noo sheegaya dadkii aan aaminay ee aan shaqada u dirsanay ee aan dhahnay doorashooyinka noo maamula, gabdho Somaliyed iyo Wiilal Somaliyed ayaad tihiin horay u socda ayaan dhahnay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Sida uu qiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qaladaadkaasi ka taagan arimaha Doorashooyinka ayaa keentay in Kuraasta qaar Doorashadooda shaki la geliyo inkastoo Guddiyada Doorashooyinka ay wadaan Baaritaano la xiriira amuurahaasi.
Musuq maasuqii ugu xooganaa waxa uu ka dhacay Doorashooyinka Galmudug oo saameyn weyn ay ku leedahay Madaxtooyada Somaliya, maadaama saaxiibka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Galmudug majaraha u haayo.
Beelaha Somaliyed ayaa ka cabanaayay in la duudsiiyay xaqii ay ku lahaayeen qaybsiga Ergooyinka, iyadoo meelaha qaar Musharaxiinta loo diiday inay tagaan hoolka Doorashada, iyaga oo bixiyay lacagta Isdiiwaangelinta Doorashada.