Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay Soomaaliya u soo dirayso in ka badan 2,000 oo askari oo dheeraad ah,, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgalka midowga Africa AMISOM.
Warbaahinta dalkaas oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan dowladda Uganda ayaa sheegay in xukuumada dhawaan u daabuli doonto Soomaaliya 2,275 askari oo dheeraad ah, kuwaasoo ay shaqadooda ugu badan noqonayso xoojinta dagaalka lagula jira ururka Al-Shabaab.
Jen. Katumba Wamala oo ah taliyaha ciidammada difaaca dalka Uganda oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu sagootinayay ciidammadan ayaa sheegay in ay dadaaalka ugu badan galin doonaan siddii Soomaaliya looga dhigi lahaa meel amaan ah.
Waxaa uu sheegay in dowladdiisa wax culeys ah ku heynin, mishaarka mar marka qaar ka soo daaha ciidammada, isaga oo intaa ku darray in ujeedada ay Soomaaliya uga howlgalaan tahay in ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii, hadalkan ka soo yeeray dowladda Uganda ayaa imanaya xili ay dhawaan si wadda jir ah u shaaciyeen taliska AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed howlgal ka dhan ah Al-shabaab