Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu taageeray go’aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare ee soo magacaabista guddiga soo xulista Xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee ka mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya,
Qoraalka ka soo baxay madasha ayaa lagu sheegay in looga baahan yahay dowladda Soomaaliya in ay ilaaliyaan xuquuqda xildhibaannada Gobollada Waqooyi soo xulista Guddiga Arintan ka shaqeynaya looga danbeeyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo ay ku tilmaameen in uu yahay mas’uulka ugu mudan dhinaca sharciga
Akhriso Qoraalka ka soo baxay madasha :




Doorashada Hirshabeelle ayaa ah tan ugu xiisaha iyo hadal heynta badan guud ahaan marka la eego siyaasadda Soomaaliya xiliggan, sababta ayaa lagu sheegay waqtiga xasaasiga ah oo ay ku soo beegantay iyo loolanka adag ee beelaha oo isku haya awood qeybsiga kuraasta ugu sarreysa maamulka.













