Hoggaamiyeyaasha dalalka ciidamada ku leh Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ku baaqay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu muddo 18 illaa 24 bilood ah sii wado taageerada hawlgalka, si looga hortago firaaq amni oo ka dhalan karta dhammaadka taageerada hadda jirta.
War-murtiyeedka laga soo saaray shir madaxeedkii aan caadiga ahayn ee ka dhacay magaalada Kampala ayaa lagu sheegay in muddadaas dheeraadka ah ay muhiim u tahay dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, xoojinta hay’adaha amniga iyo wareejinta masuuliyadda amniga dalka si nidaamsan.
Shirku wuxuu adkeeyay in la kordhiyo awoodaha cirka, sirdoonka iyo dabagalka (ISR), lana dardargeliyo tababarka iyo mideynta qorshaha hawlgalka ee ciidamada Soomaaliya si ay u yeeshaan awood ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka.
Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale ku booriyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay dowlad-goboleedyada,A si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana loo sii dhiso ciidan qaran oo xirfad leh kana turjumaya midnimada dalka.
War-murtiyeedka ayaa lagu muujiyay walaac ku saabsan caqabadaha dhaqaale ee wajahaya AUSSOM, iyadoo dalalka saaxiibka ah iyo deeq-bixiyeyaasha loogu baaqay inay bixiyaan taageero dheeraad ah si loo daboolo baahiyaha hawlgalka loona xaqiijiyo maalgelin waarta.
Waxa kale oo la go’aamiyay in la dhiso guddi wadajir ah oo ka shaqeeya ololaha diblomaasiyadeed ee lagu raadinayo maalgelinta mustaqbalka ee AUSSOM.
AdShirka oo uu martigeliyay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiillo ka socday Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Masar, Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay iyo dalalka kale ee ciidamada ku leh AUSSOM.
Go’aannada shirka ayaa loo gudbin doonaa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, ka dibna Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loo tixgeliyo.
