Kursigan golaha shacbka ka banaanaa ee doorashadiisa manta lagu qabtay Magaalada baydhabo waxaa ku tartamayay ilaa afar musharax oo kala ahaa Claahi Sheekh Maxamed,Cabdiqadir sheikh maxamed nuur,Isxaaq Khaliif Claahi iyo Xasan Macalin Ibraahin sida gudigga doorashada sheegeen.
Sida sharciga ah ee xildhibaanadii horey loo doortey waxaa dooranayay ergooyin gaaraya 51 laakin Ergooyin manta kursigan doorashooda ka qeyb galayay ayaa gudiga ku sheegeen 44,laakin laba ka mid ah Ergooyinka soo xaadirin,laakin howlka doorashada ka dhaceysey waxaa fadhiyey halka musharax ee kursiga ku guuleystey claahi Sheekh Maxamed,iyadoo sedexda musharax kale kuraastii loo diyaariyey ay banaanayeen.
28-kii bishii April sanafdkii hore ayaa kursigan waxaa ka geeriyoodey Marxuum Khaliif sheikh claahi duurey oo golaha shacabka ka tirsanaa,Musharaxiinta goobta ka maqanaa ayaa dhowr jeer gudiga doorashada ku eedayay in kursigan Gudiga doorasha u afduubanyahay,waxaana muuqaneysey in tabasho beesha kursiga iska leh ka dhax muuqatey sida goobta doorashadaba laga dareemayay.
BY:Muxidiin Xusni